Arsenal iyo United oo Isku Heysto Saxiixa Xidiga Hakim Ziyech ,

0
534

Kismayo(Waamo Radio) Arsenal ayaa hogamineyso loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga Ajax ee Hakim Ziyech

Arsenal ayaa la xusayaa in ay wadahadallo la fureen kooxda reer Holland si ay 26-sano jirkaan uga helaan xagaaga .

Ajax dhankooda waxa ay qireen in ay adag tahay in laacibka ku hayaan kooxda maadaama kooxaha ugu weyn yurub ay wada doonayaan saxiixiisa .

Talk Sport ayaa sheegeysa in Arsenal diyaar la tahay 25 milyan oo euro si Hakim Ziyech u helaan xagaagaan .

Laacibkaas ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Champion-ka waxa ayna kooxdiisa Ajax soo Gaarsiiyeen Semi Finalka waxayna tartanka yurub ee Champion-ka ka reebeen Kooxaha Waaweyn ee Real Madrid Iyo Juventus

Hakim Ziyech Ayaa sidoo kale Waxaa Dooneyso Kooxda Man United Balse Arsenal ayaa u muuqata in ay ka dhab tahay doonistiisa Xidiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here