Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Istanbuul waxaa uu ka mid yahay degaanada dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaana degaankaan la aas aasay mudo laga joogo ku dhawaad saddex sano .
Dadka ku nool degaanka istanbuul waa kuwo isugu jira beeraleey iyo xoolo dhaqato waxaa ayna baahi waayn u qabaan adeegyada aas aasiga u ah nolosha aadanaha sida Caafimaadka ,waxbarashada iyo kuwa kale ee lagama maar maanka ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowlad goboledka Jubbaland ayaa maanta degaanka ka dhagax dhigtay Carun Caafimaad toos oo ay hirgalin doonto Hay’adda wasdha ‘xaruntaan caafimaad ee la dhagax dhigay hadii la dhiso ay wax badan ka daboolaysa baahida caafimaad ee ay qabaan dadka deegaanku.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.