Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Arimaha Gudaha dib u heshiisiinta iyo Arimaha Federaaliisimka ee Dowlad Golobeedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabatay kulan lagu wacyi galinayo, Haweenka doonaya inay ka qeyb galaan doorashada Golayaasha Deegaanka ee Dowladaha Hoose.
Kulankaan oo socon doona mudo labo cisho ah ayaa looga goleeyahay in Haweenka Jubbaland lagu wacyi galiyo inay ka mid noqdaan goloyaasha Deegaanka ayna soo bandhigaan doorkooda ku aadan Maamul Daadajinta sida uu sheegay Agaasimaha Wasaarada Arimmaha Gudaha ee Jubbaland Aadan Faarax Gaarane oo faahfaahiyey muhiimada kulanka.
Xamdi Maxame Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.