Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kulankaan aqoon is waydaarsiga ah oo ay maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay Wasaaradda arimha gudaha fedaraalka iyo dib u heshisiinta Jubbaland ayaa lagu baranayay qaabka Maamul daadajinta Shaqaalaha rayidka ah ee Jubbaland.
Waxaa kulanka ka soo qayb galay wasaaradda bixiya adeegyada aas aasiga u ah Bulshada sida Wasaaraddaha Biyaha ,Caafimaadka,waxbarashada iyo kuwo kale sido kale kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha waxaada dowlada hoose iyo maamul baahinta ee wasaaradda arimaha dowlada fedaraalka Soomaliya ‘muhiimada kulanka ayaa looga golahaa in la baahiyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraduhu bixiyaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.