Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababarkaan oo socon Donoo mudo 3 maalin ah waxaa ka faa’iideysanaya ilaa 30 wariye oo ka howlgala magaalada Kismaayo, waxaana lagu qaadan doona mudada uu socondoono tababarro la xiriira tabinta Doorashooyinka iyo taageerada qoondada haweenka ee 30% waxaana Tababarkaan taageeraya xafiiska kaalmada Qarama Midoobay ee UNSOM waxaana furitaanka tababarkaan kasoo qeyb galay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta dadaweynaha Jubbaland Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Jubbaland Marwo Idil Maxamed Mursa iyo qaar kamid ah madaxda warbaahinta Ka howl gasho Magaalda kismaayo.
Iidle Aadan Dagane,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.