Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Gudaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu arkaa noocyada kala duwan ee xoolaha haba ugu badnaadeen lo,da iyo ariga ku waas oo dhexsocda bartamaha magaalada.
Xoolahaan lagu soo daayay Magaalada ayaa mararka qaar waxaa ay dhoobtaan ama dhex socdaan wadooyinka ay gadiidku isticmaalaan waxaana ka dhasha dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in ay baabuurta ku dhex gooshaysa maagalada shil galiyaan iyo in baabuurta qaar ee xawaaraha ku socda ay jiraan xoolaha wadooyinka taagan.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inoga diyaarisay.