Virgil Van Dijk oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Qarankiisa.

0
302

London(Idaacadda Waamo)-Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa taas oo Naxdin ku abuurtay kooxda Liverpool.

Daafaca ayaa ka dhaawacmay mid ka mid ah farihiisa gacanta taas oo keentay in muddo uu ka maqnaado kulankii uu xulka Netherland bar-baraha la galay xulka Norway kulamadii is reeb-reebka koobka adduunka.

Virgil van Dijk ayaa la arkay isaga oo lagu dawaynayo garoonka dibadiisa intii ay socotay ciyaartu waxana uu markii dambe dib ugu laabtay isaga oo dhamaystay ciyaarta kadib markii laga duubay farta.

Daafaca dhexe ee Virgil van Dijk ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in uu fiicanyahay waliba dhaawaciisu ahayn mid halis ah isla markaasna ciyaari doono kulamada soo socoda ee xulka qarankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here