Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo ku saabsan Jubbaland ayadoo dhinaca kale golaha warbixin laga siiyay arrimaha Siyaasadda iyo doorashooyinka.
Sidoo kale shirka ayaa warbixinno looga dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.
Marka uu soo idladay Shirka waxaa warbahinta la hadlay wasiirka warfaafinta iyo hanuunta dadweynaha dowlad Gobleedka Jubbland Salaymaan Maxamed Maxamud ayaa fafahin guud ka bixiyay waxyabii ugu muhiimsanaa ee loga hadlay Shirka .
Abdinoor Samriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.