Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo kulan la qatay Wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka Masar

0
172

Qaahira(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Wasiirka Waxbarshada dalka Masar Tariq Showqi iyo Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Masar khaalid Cabdul-Qafaar,  kuwaasi oo ay is afgarad buuxa ka gaareen waxyaabahii ay ka wada hadleen ee Iskaashiga tacliinta.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla go’aamiyay  sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada ee masaarida maamulaan ee ku yaala dalkeenna.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa loo ballan qaaday in deeqaha waxbarashada la kordhin doono gaar ahaan dhinaca tacliinta Sare (Postgraduateka), Sidoo kale Madaxda labada waddan ayaa isla soo qaadeen sidii loo xalin lahaa caqabadaha haysta ardayda Soomaaliyeed  ee wax ku barta dalka Masar.

Kulanka wasiirka uu la qaatay dhigiisa wasiiradda Masar  ayaa waxaa ku wehliyay agaasimaha tacliinta Sare wasaaradda Waxbarshadda XFS Ismaaciil Yuusuf Cusmaan, ku xigeenka u qeybsabaha waxbarashada safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo lataliyaha Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here