Horudhac: Barcelona vs Real Sociedad

0
242

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Naadiga Barcelona ayaa kal-ciyaareedka 2021-22 ku bilaabaneysa La Liga ciyaar xiiso badan oo ay ka hor tageyso naadiga Real Sociedad iyadoo Barca ay muddo dhowr iyo toban sano kaddib ciyaarteeda ugu horreyso dheeli doonto la’aanta Lionel Messi oo ah xiddiga ugu weyn taariikhda naadiga.

Blaugrana ayaa fasalkan ku hammineysa hanashada La Liga oo ay ku fashilantay labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:30 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Camp Nou

Garsooraha: Alejandro Hernandez (Spain)

Wararka Kooxaha:-

Barcelona ayaa diiwaanka La Liga ku biirisay xiddigaheeda kala ah Memphis Depay, Rey Manaj iyo Eric Garcia kuwaasoo dhammaantood caawa ciyaari kara kulankooda ugu horreeya horyaalka Spain, balse waxaa dhaawacyo kala duwan ku maqnaan doona Ansu Fati, Sergio Aguero, Ousmane Dembele iyo Marc-Andre ter Stegen.

Carlos Fernandez, Nacho Monreal, Mat Ryan iyo Diego Rico ayaa dhammaantood dhibaatooyin dhaawac ku seegaya kulanka Camp Nou, iyadoo sidoo kale shaki la gelinayo inay ciyaartan taam u noqon karaan Mikel Merino iyo Mikel Oyarzabal kuwaasoo laga yaabo inaysan u ciyaarin kooxdooda Real Sociedad.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Barcelona ayaa guuleysatay 21 ka mid ah 31 kulan ee lasoo dhaafay oo ay la ciyaartay Real Sociedad, halka kooxda caawa martida ah ay adkaatay shan ka mid ah ciyaarahaas.

Kulankii ugu dambeeyay ee labadan naadi dhex mara ayaa ku dhammaaday 6-1 oo ay Barcelona ku adkaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here