Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka Degmada Kismaayo ayaa waxay Maanta qabteen Kulan dib Logu daah-furayay laguna cusboonsiinayay Kaarka aqoonsiga Jubbaland.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Mamulka degmada Kismaayo waxaan goob-jooga ka ahaa wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland ,wasiirka wasaarada Maaliyadda Jubbland, Waasirka wasaaradda amniga dowlad Gobleedka Jubbland iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada Rayidka.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.