Isbuuca Hidaha Iyo Dhaqanka Ee Jaamacada Kismaayo oo kafurmay Hoolka Jamacad Kismaayo

0
697

Kismaayo(Waamo Radio)Munaasabadan oo ahayd Mid lagu Xusayay Todobaadka Dhaqanka Jaamacadda Kismaayo oo Sanadkiiba Mar la Qabto ayaa lagu daah furay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku Meel Gaadh ka ah ee Jubbalanad Gaar ahaan Xarunta Jaamacadda Kismaayo ee Magaaladda Kismaayo

Todobaadka Dhaqanka ayaa waxa uu Socon Doonaa Mudoo Todobaad ah Waxaana ka Qab Qaadan Doona Kulliyadaha kala Duwan ee ay ka Kooban tahay Jaamacadda Kismaayo Waxaana lagu Soo Bandhigay Alaabta Hidaha iyo Dhaqanka kala Duwan .

Munaasabadan Daahfurka ah ayaa Waxaa kasoo Qayb galay Ardayda Jaamacadda,Maamulka Jaamacadda,Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland , Abwaaniin ,iyo Xildhibaano ka Socday Baarlamaanka Jubbaland .

Kulankan ayaa waxaa ugu Horayn ka hadlay Maamulaha Jaamacadda Kismaayo Maxamed Bile Xaashi “ Waxa uu yidhi ka Jaamacad ahaan Waan Dhiiri Galinayaan Dhaqankeena Suuban “

Sidookale Waxaa Sharraxaad ka Bixiyay Alaabtan Goobta lagu Soo Bandhigay Madaxa waxbarashada Jaamacadda Kismaayo Cabdirisaaq Ismaaciil asaga oo mid mid u sharaxay Alaabta Hidaha iyo Dhaqanka ee Goobta la keenay

Maxamed Cabdulahi Gandaal Waa Abwaan ahna Agaasimaha Fanka iyo Suugaanta Wasaaradda Warfaafinta,Tignoolajiyada iyo is Gaadhsiinta Jubbaland Waxa uu Goobta ka Tiriyay Gabay Ka Turjumaya dhaqanka Soomaalida Dhiiri galina u ah Da’yarta aan aad u aqoon dhaqankooda .

ugu Dambayntii waxaa Munaasabadda Soo Xidhay Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Guddiga Arimaha Bulshada Baarlamaanka Jubbaland Waxa uuna sheegay in ay Dowr kooda kaga aadan Qaadan Doonaan ka Dowlad ahaan .

Bandhigan Todobaadka Dhaqanka oo ay Sanadkasta Qabato Jaamacadda Kismaayo ayaa Waxa uu Socon Doonaa Muddo Todobaad ah

Wxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya,Iidle Aadan Maxamed,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here