Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhirta waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee nooluhu u bahan yahay,beeridda dhirta waxay sare u qaadeysaa hormarka bilicda Deegaanka.
waxaa magaalada Kismaayo jira dhalinyaro ku beera dhirta xarunta Tala-wadaag dhaxdeeda si ay uga iibsadaan bulshada Deegaanka ee u baahan in ay guryaha ku quraxsadaan.
Xawo Maxamed Maxamuud waxaa ay ka mid tahay dadka ka Ganacsada dhirta lagu beero xarunta Tala-wadaag dhaxdeeda,waxay warbahinta Waamo uga warbixisay noocyada dhirta ay dadka ka iibiyaan.
Cabdinuur Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.