Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhalinyarada badan oo bartay xirfada faryaamada ayaa waxay ku nool yihiin magalada kismaayo kuwaasoo sameeya alaabta guryaha lagu isticmaalo sida sariiraha ,Armaajooyinka iyo miisaska kuwaasoo si weyn looga iibsado.
Magaalada kismaayo waxaa ku yaallo goobo lagu tababaro dhalinyarada kuwaasoo La barayo farsamada gacanta si ay noloshooda iyo tan Qoyskooda ay u hormariyaan, goobahaasi oo laga soo saaray dhalinyaro badan oo bartay xirfada farsamada gacanta ayaa si iskood ah waxay uga shaqeystaan magaalada kismaayo.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.