Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland oo kulan dhiirra gelin ah u qabatay Haween la yimid Hal-abuur Ganacsi

0
229
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Manaasabadaan oo lagu dhiira galinayay 21 haween oo la yimid hal abuur ganacsi ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Degaanka iyo dalxiiska dowlad goboledka Jubbaland oo kaashanaysa Hay’adda iskaasiga Jarmalka ee GIZ.

iskaahata haweenka Barwaaqo Women group oo ay horay wasaaraddu u taba bartay maanta loo qabtay kulanka dhiira galinta ah ayaa soo saara adeegyo kala duwan oo ay ka sameeyaan dhirta dabiici ah ee dalkeena ka baxda ku waas oo isugu jira saliido dabiici ah noocyada kala duwan ee dirta shaaha lagu darsado iyo adeegyo kale .

Manaasabadaan ayaa waxaa  kasoo qayb galay Madaxwaynaha 1,aad ee Dolad goboledka Jubbaland Maxamuud sayid Aadan Wasiiro ,Hay’adda GIZ  iyo qaybaha kale ee bulshada waxaana madasha lagu soo bandhigay  wax soo saarka haweenkaan iskaashatooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here