Macalin Araga La’ oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba dhiirra-geliyo

0
247

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxaa ay bulshada intooda badan ka aaminsanyihiin in aysan wax badan qaban karin,sidoo kalana aysan waxba baran karin .

Balse taasi ma ahan xaqiiqada dhabta ah oo waxaa jira dad badn oo la nool naafonimo hadana  awooda in ay shaqeystaan    sidoo kalana wax bartaan .

Maxamed  Maxamuud Sulaymaan waa wiil dhalinyaro ah oo araga naafo ka ah waxaa uu macalin ka yahay dugsi Qu,aan oo ku yaala  xaafada New Kismaayo isago Qur’aanka Kariimka u dhiga arday faro badan,Maxamed waxaa uu sheegay in uu  waxbarashada diiniga ah ka soo bilaabay dalka kenya sido kalana uu Qu,aanka ka dhameeyay isla dugsiga uu hada macalinka ka yahay  waxaa uu intaasi ku daray in uu aminsan yahay in dadka naafada ah ay wax baran karaan sido kala ay dadka wax sii bari karaan .

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixibtaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here