Ra’iisul wasaare Rooble oo Soo gaaray magaalada Kismaayo

0
233

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jubalanad Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.

Cowke Cali Cawil aya warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here