Milkiilaha Doomaha loogu Kala goosho Wabiga iyo Deegaanka Qaam-Qaam oo Idaacadda Waamo uga warbixiyay sida ay shaqada ku soo bilaabeen.

0
287

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Qaam-Qaam waa deegaa Beereed oo uu maro wabiga Jubba waxaa ku yaallo Beero badan oo laga keeno Khudaarta inta badan laga isticmaalo magaalada kismaayo.

Deegaanka ayaa waxaa maro Wabi,kaas oo Looga gudbo doonyo yar yar oo muddo dheer ka shaqeenaayay halkaasi, iyadoona Doomahaasi ay dadka deegaanka si maalinle ah u isticmaalaan maadaama wabiga dhiniciisa kale ay ugu gudbaan.

Jimcaale aadan C/raxmaan waa milkiilaha Doomankaasi waxa uu waamo radio uga waramay waxqabadka Doomankaasi lagu kala Gudbo wabiga ku yaalo deegaanka Qaamqaam iayadoona uu sheegay shaqadaan kala gudbinta wabiga ee doomankaan yar ay tahay mid ay waalidiintooda ka dhaxleen oo iyagiina ay hadda u tahay shaqo maalinle ah.

Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here