RASMI: UEFA Oo Shaacisay Xiddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan

0
420

Kismaayo(Waamo Radio) Xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyay xiddiga ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan champions League kadib markii la soo afjaray kulamadii 8 dhamaadka tartanka champions League.

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadkan champions League kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Leo Messi ayaa guul ku hogaamiyay Barcelona kulankii lugta 2-aad ee 8 dhamaadka champions league isaga oo dhaliyay 2 ka mid ah 3-dii gool ee ay Barcelona kaga badisay kooxda Man United.

Messi ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga Tottenham ee Son oo laba gool dhaliyay daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt iyo weeraryahanka kooxda Liverpool ee Roberto Firmino.

Xiddiga ayaa gaadhay goolkiisii 10-aad ee tartanka champions League xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu cad-cad ku guulaysiga gool dhalinta tartanka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here