Mason Greenwood oo helay dalab ku aaddan inuu xulka qaranka England ka wareegsado…(Xulkee ayaa soo dalbaday laacibka Man United?)

0
276

Manchester(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Mason Greenwood ayaa ka heysta fursad uu isaga baddeli karo dhalashada Ingiriiska iyo inuu u ciyaaro xulka England isagoo haatan sida la sheegay xiiso ka helaya dalka uu asal ahaan kasoo jeedo ee Jamaica.

Greenwood ayaa ku guuldarreystay inuu xubin loo baahan yahay ka noqdo xulka Saddexda Libaax lagu naaneyso iyadoo ay xusid mudan tahay inuu kooxdiisa Man United kusoo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan iyo markii kooxda waaweyn loo soo dalacsiiyay.

Sida laga soo xiganayo The Telegraph, xulka qaranka Jamaica ayaa haatan doonaya inay u yeeraan xiddiga Red Devils inkastoo uu xulka England u saftay hal kulan.

Jariiradda ayaa intaas ku dartay inuu xiddigan u ciyaari karo qaranka Jamaica maadaama ay waalidiintiis kasoo jeedaan, waxaana sidoo kale saacidaya inuusan xulka Ingiriiska u safan kulan tartan rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, bishii lasoo dhaafay ee May ayaa la xasuustaa in difaaca Manchester City ee Aymeric Laporte uu isaga baxay Faransiisnimada isagoo qaatay dhalashada dalka Spain taaso ka saacidday in looga yeero xulka qaranka La Roja isagoo u matalaya tartanka Euro 2020 oo qaaradda Yurub ka soconaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here