Kooxaha Barcelona iyo AC Milan oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig wacdaro ka dhigay Koobka EURO 2020

0
244

Yurub(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sampdoria Mikkel Damsgaard ayaa bandhig fiican ka sameeyay xulkiisa Denmark Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020, wuxuuna helay dareenka kooxo badan waa weyn oo Yurub ah.

Wargeysyada Marca iyo Sport ee dalka Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen in dhammaan kooxaha Barcelona, ​​Tottenham, AC Milan iyo West Ham United ay la socdaan qaab ciyaareedka 20 jirkan.

Claudio Ranieri ayaa fursad u siiyay inuu in badan ka ciyaaro horyaalka talyaaniga xiliciyaareedkii hore, kaasoo uu ka dhaliyay 2 gool, wuxuuna sidoo kale saaxiibadiis ka caawiyay 4 gool kale.

Goolkiisii ​​quruxda badnaa uu ka dhaliyay xulka qaranka Russia, kulankii uu Denmark u ku adkaaday 4-1 ayaa soo jiitay dareenka qof walba, Rossoneri ayaana laga yaabaa inay fursad qaas ah u hesho saxiixiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here