Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland oo Tababar u soo xirtay Macalimiin

0
280

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Abdinasir Seeraar Maax oo uu wehlinaayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada  Soomaaliya Mudane Maxamed Caabi Xasan iyo Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Ahmed Cismaan Siyaax iyo Masuuliyiin kala oo Bahda Waxbarshada Ayaa maanta si wada jir ah uga qeyb galay munaasbada ka dhacday xarunta Tababarada Macalimiinta Jubbaland isla markaana Macalimiin macadka lagu Tababaray lagu gudoonsiinaayey Tabletyo u suuro galinayo in ay howlahooda shaqo ugu fududaadaan.

Xarunta Tababarrada Macalimiinta Jubbaland  ayaa horey usoo saartay Macalimiin kala duwan oo deegaanada Jubbaland Barayaal ka ah iayadoona Macalimiinta wax ka dhiga goobaha waxbarasho ee deegaanada Jubbaland siiso Tababaro kor loogu qaadayo Macaliinta.

Cowke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here