Germany vs Hungary & Sweden vs Poland… (Waa sidee rajada xulalka kulammadan ciyaaraya

0
247

Kismaayo(Idaacadda Waamo)Kulammada guruubyada E iyo F ee tartanka qarammada qaaradda Yurub ayaa caawa lasoo af-meeri doonaa iyadoo xulalka Poland, Germany iyo Hungary ay dhammaantood rajo weyn ka qabaan usoo bixtaanka wareegyada bug-baxda tartanka qarammada qaaradda Yurub, halka Sweden oo hoggaaminaya guruubka E uu xaqiijiyay usoo bixitaanka wareegga xiga ee tartankan.

Germany vs Hungary

Germany waxa uu u baahan yahay inuu guuldarro ka badbaado oo qura si uu xaqiijiyo usoo bixitaanka wareegga 16-ka tartanka Euro 2020, waayo xitaa haddii uu barbarro galo xitaa waxa uu kusoo bixi doonaa kaalinta saddexaad.

Taas waxaa u wacan in xulalka kaalimaha saddexaad kaga dhammeystay guruubyada B iyo C ee kala ah Finland iyo Ukraine ay leeyihiin kaliya min saddex dhibcood, sidaas darteedna Jarmalka haddii uu barbarro xitaa kula dhammeysto booska saddexaad waxa uu heli doonaa inuu afar dhibcood kusoo gudbo.

Haddii xulka Germany uu guul helana si toos ah ayuu u tagi doonaa kaalimaha sare ee guruubka.

Sweden vs Poland

Xulka Sweden ayaa xaqiijiyay inuu usoo baxay wareegga bug-baxa tartanka Euro 2020 xitaa haddii uu guuldarreysto caawa kaalinta saddexaad ayuu kusoo gudbi doonaa si la mid ah xaaladda Jarmalka ee aan qaybta kore kaga soo sheekeynay.

Dhanka Poland, xulka Polish-ka wax uu u baahan yahay inuu guuleysto caawa si uu wareegga xiga ugu soo gudbo, waxaana guusha caawa ay gaarsiin kartaa midkood kaalimaha koowaad ama labaad, waxaana taasi go’aamin kara natiijada ciyaarta Spain iyo Slovakia dhex mari doonta.

Balse haddii ciyaarta caawa barbarro ku dhammaato, Poland daaqadda ayay ka baxi doontaa oo waa ay isaga hari doontaa tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here