Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Barnaamijkaan wacyi galinta ee ku saabsan ka hortaga tacadiyada haweenka ka dhanka ayaa looga goleeeyay in haweenka lagu baraarujiyo sidii ay isaga difaaci lahaayeen hadii ay soo foodsaaran dhibaatooyi ku salaysan xad gudubka Jinsiga .
Wacyigalintan ayay Wasaaraddu ka samaaysay Degaanada dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo waxaana haweenka la faray in marka ay adayaan melaha magaalada ka baxsan sida beeraha iyo marka ay xaabada doontaan ay koox koox isku racaan si hadii ay qatar la kulmaan ay isaga difaacaan.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.