Horudhac: Netherlands vs Ukraine

0
314

Amsterdam(Idaacadda Waamo)-Xulalka kubbada cagta Netherlands iyo Ukraine ayaa markii ugu horreysa isaga hor imaanaya tartan weyn (Koobka Adduunka + Tartanka qarammada qaaradda Yurub) iyadoo Netherlands hal dhacdo kaddib ciyaareysa Euro.

Xulka Holland ayaa seegay tartankii qarammada qaaradda Yurub ee 2016 iyo Koobkii Adduunka ee 2018, waxaana caawa uu ciyaarayaa tartan weyn markii ugu horreysay tan iyo Koobkii Adduunka ee 2014 xilligaas oo uu wareegga nus-dhammaadka gaaray.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europe – EURO 2020

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Johan Cruijff ArenA

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararka Xulalka:-

Xulka Netherlands ayaa la filayaa inuu xilli dambe go’aan ka qaato xaaladda taam ahaanshaha difaaca Juventus ee Matthis de Ligt kahor ciyaarta caawa isagoo dhaawac gumaarka ah ku seegay kulankii saaxiibtinnimo ee Georgia la ciyaareen toddobaadkii hore.

Sidoo kale Daley Blind ayaa xaaladdiisa la qiimeyn doonaa kaddib markii uu ciyaartaas kasoo kabtay dhaawac soo gaaray bishii Maarso, waxayna u badan tahay inuu kulankan qayb ka noqon karo.

Geesta kale, xulka Ukraine ayaa heysta saf dhammeystiran marka laga reebo xiddiga garabka ka ciyaara ee Viktor Tsygankov, waxaana macallin Andriy Shevchenko uu dooran karaa shaxdii uu doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here