Qaar ka mid ah Saxafiyiinta Kismaayo oo Tababar loogu soo xiray maanta

0
289

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-In ka badan 30 wariye oo ka mid ah saxafiyiinta ka hawl-gala Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa maanta loo soo xiray Tababar socday muddo labo maalin ah oo lagu baranayay Xoriyada hadalka iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Boliiska  iyo Wariyayaasha.

Tababarka oo ay soo qaban qaabiyeen  Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee FESOJ oo kaashanaya Hay’adda Vikes ee fadhigeedu yahay dalka Filand  ayaa waxaa ka soo qayb galay saraakiil ka socday Boliiska Jubbaland kuwaas  oo ay wariyayaashu  waaydiiyeen su’aalo ku saabsan sida ay ula shaqeeyaan warfidiyeenada gaar ahaan xiliyada ay doorashooyinku jiraan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here