Chelsea oo suuqa dhigtay mid ka mid ah xiddigihii ay lasoo wareegtay xagaagii hore & Labo naadi oo durba diyaar u ah saxiixiisa

0
195

London(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa wajaheysa xagaa’ kale oo mashquul badan, waxayna diiradda saareysaa inay safkeeda dib u habeyn ku sameyso, sidaas darteed, qaar ka mid ah xiddiga kooxda ayay qorsheyneysaa inay iska iibiso.

Blues ayaa haatan lagu soo warramayaa inay albaabada u furtay kubbad sameeyaheeda Hakim Ziyech kaasoo looga gacan haatinayo dalka Taliyaaniga.

Ziyech ayaa xagaagii lasoo dhaafay Chelsea kaga soo biiray dhanka naadiga Ajax, waxaana uu u saftay 39 ciyaarood, haaata se, waxaa lagu soo warramayaa inuu xiddigan ku jiro diiwaanka xiddigaha laga iibinayo Stamford Bridge.

Dhinaca kale, wargeyska Calciomercato ayaa sheegay inay kooxaha Napoli iyo AC Milan ay doonayaan saxiixa Laacibka reer Morocco.

Xiddigan ayaa lumiyay booska dooqa koowaad ee shaxda Macallin Thomas Tuchel, waxaana haatan ay maamulka Chelsea daneynayaan inay iska iibiyaan xagaagan kaddib bandhig ka hooseeya kii laga filayay oo uu la yimid Galbeedka London isagoo dhaliyay kaliya lix gool sidoo kalena afar kale caawiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here