Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waayadii waxaa ku soo badanayay Dhalinyarada ku shaqeeysataTagaasida,taas oo dhalinyaro badan oo shaqo la,aan sheegan jirey ay u noqotay shaqo fudud oo ay mahdiyeeen.
Hodan Khaliif Nuur waa Gabadh ku nool magaalada kismaayo,waana Gabadha kaliya ee ka mid ah Dhalinyarada ku shaqeeysata Xirfadda Wadista Tagaasida, waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay shaqada Tagsiga oo ay dooneyso in ay sii waddo shaqadaan muddo dheer.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.