Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kalfadhiga Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo uu manta ujeedkiisa ahaa Ansixinta Golaha Wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa soo xaadiray 51 mudane oo katirsan Baarlamanka labaad waxaana Ansixiyay xukuumada cusub 50 mudane halka Hal mudane uu ka aamusay mana jirin wax diiday sidaasi ayaana lagu ansixiyay Golaha xukumada cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Jubbaland oo isugu jiray wasiiro wasiir ku xigeeno iyoi wasiiro Dowlayaal
Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.