Goormee ayaa Champions League laga ganaaxi doonaa Barcelona, Juventus iyo Real Madrid?

0
269

Yurub(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Barcelona, Juventus iyo Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay ganaax kala kulmi doonaan xiriirka kubadda cagta qaaradda Yurub ee UEFA.

Wargeyska kasoo baxa dalka Taliyaaniga ee La Repubblica ayaa sheegay in xiriirka UEFA uu ganaax lacageed iyo inuu Champions League ka saaro isugu dari doono toddobaadkan saddexda naadi ee illaa haatan ku adkeysanaya ka sii mid ahaanshaha Mashruuca muranka dhaliyay ee European Super League.

Toddobaadkii tagay ayay FIFA iyo UEFA la tiigsadeen Juve, Barca iyo Madrid xeerarka anshaxa, waxaana la sugayaa inay go’aankooda kama dambeysta ah ku dhowaaqaa maalmaha soo socda sida warsidaha magaalada Rome kasoo baxa uu sheegay.

Dhinaca kale kooxaha miiska saaran ayaa wali ku doodaya inuusan jirin sharci ka hor istaagi kara inay bilaabaan tartan heer kooxeed ah, sidaas darteedna ay diyaar u yihiin inay maxkamad sharci ah la tagaan xiriirrada kubadda cagta dunida iyo Yurub.

Sagaalkii kooxood ee tartanka European Super League ka laabtay ayaa lagu ganaaxi doonaa 12.9 milyan oo gini oo ay FIFA siin doonaan si looga dul qaado ciqaabtii ay ku muteysan lahaayeen saxiixii ay shuraakada kula noqdeen kooxaha haatan muranka ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here