Barcelona oo dhammeystirtay saxiixa Eric Garcia

0
299

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay difaacii Manchester City ee Eric Garcia.

Barca ayaa ugu dambeyn dhammeystirtay saxiixa Garcia kaasoo qaab bilaash ah ugu soo laabanaya Camp Nou marka la gaaro bisha July 1-deeda.

20-sano jirkan ayaa qalinka dul dhigay heshiis shan sano ah oo dhici doona xagaaga 2026, waxaana qandaraaskiisa lagu jebin karaa 400 milyan oo euro, sidoo kale Galabta oo Talaado ah ayaa lagu jadwaleeyay in si rasmi ah loo soo bandhigo.

Difaaca Isbaanishka ah ayaa dhowr sano ku jiray kulyadda dhallinyarada Barca iyadoo ugu dambeyn Man City ay la wareegtay laacibka xagaagii 2017, waxaana uu haatan doortay inuu kusoo laabto Camp Nou kaddib markii uu fursad ka waayay garoonka Etihad Stadium isagoo ciyaaray kaliya 35 ciyaar.

Dhinaca kale, Garcia ayaa ku jira xiddigaha xulka qaranka Spain u matalaya tartanka qarammada qaaradda Yurub ee Euro 2020 kaasoo xagaagan la ciyaarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here