Horudhac: Villarreal vs Man United, Unai vs Ole & Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee Final-ka Europa League

0
348

Gdansk(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Villarreal iyo Manchester United ayaa cawa isku qaban doona Magaalada Gdansk ee dalka Poland, waxaana ay halkaas ku wada ciyaari doonaan kama dambeysta Koobka Europa League.

Ole Gunnar Solskjaer oo isagoo ka mid ahaa xiddigaha Manchester United ku soo guuleystay tartanka Champions League ayaan wax koob ah ku guuleysan tan iyo markii uu qabtay xilka tababarennimo ee kooxda fasal ciyaareedkii 2018-19.

Man United ayaan dhankeeda ku guuleysan wax koob ah oo weyn muddo afar sanadood ah, laakiin Tababare Solskjaer waxa uu kalsooni weyn ku qabaa inay garaacayaan Villarreal kuwaasoo ku dhammaystay kaalinta todobaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan 2020-21.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europa League Final

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Stadion Energa Gdansk

Garsooraha: Clement Turpin (France)

Wararka kooxaha:-Samuel Chukwueze ayaa u muuqda mid dhaawac muruqa ah kaga maqnaanaya kulankan Villarreal, taasoo dhabar jab weyn ku ah kooxda reer Spain, halka ciyaaryahanka Tottenham ee Juan Foyth uu isna shaki weyn ku jiro.

Pau Torres waa shaqsi ay si aad ah loola xiriirinayay Manchester United suuqii xagaaga, waxaana uu ku soo bilaaban doonaa daafaca dhexe ee kooxda Unai Emery.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here