Arsenal , Man United , Liverpool , oo isku Heysto Xidig Kamid Xidigaha Kooxda Ajax

0
568

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxaha Arsenal , Man United , Liverpool ,  ayaa hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax ee wacadraha dhigaya xilli ciyaareedkan ee David Neres.

David Neres ayaa soo jiitay indhaha koxaha ugu waaweyn yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu xilli ciyaareedkan ku qaatay kooxda Ajax.

22 jirkan ayaa dhaliyay 8 gool sidoo kale caawiye ka noqday 11 kale waxana si gaar ah ula socday qaab ciyaareedkiisa kooxaha Borussia Dortmund, Paris-Saint Germain Liverpool, Man United, Arsenal & Chelsea.

Laakiin Haatan kooxda Arsenal ayaa ku hor martay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga iyaga oo wadahadalo la qaatay kooxda Ajax sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Daily Telegraph ayaa sheegaya in xiddiga Neres lagu heli karo ugu yaraan 40 ilaa 50 milyan oo euro marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay goolkii bar-baraha ee kulankii ay kooxda Ajax bar-baraha la gashay kooxda Juventus kulankii ka tirsanaa tartanka champions League waxana uu ka ciyaari karaa garabaha weerarka iyo waliba khadka dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here