Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Cudurka Jadeecada ayaa ka dilaacay Deegaano ka mid ah Dowlad goboledka Jubbaland sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland.
Waxaa ayna wasaaraddu bilowday ol o’laha Tallaalka Cudurka Jadeecada,Deegaanada uu cudurku ka dillaacay hadana uu tallaalku ka bilowday waxaa ka mid ah deegaanka dhoobley oo caruur badan uu cudurkan soo ritay.
ol o’laha tallaalka Jadeecada oo ay iska kaashanayaan Hay’adda MSF iyo Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa looga gol-leeyahay in halista cudurkan laga hortago.
Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.