Maalinta umulisooyinka oo maanta dunida laga xusay

0
300

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Caalamiga ee Umulisooyinka waxaa markii ugu horreysay loo dabaaldegay 5-dii Maya  1991-dii, markaasna waxaa laga xusay in ka badan 50 dal oo dunida ka mid ah.

Fikradda ah in la helo maalin la aqoonsado oo la sharfo umulisooyinka waxa la isku af gartay  shirkii 1987 ee Xiriirka Umulisooyinka Caalamiga ah ee Nederland.
Sannadkii 2014 waxaa looga dabaaldegay Iran, New Zealand  meelo kale oo dunida ka mid ah Manta oo kale  waxaa dunida Loga badaal dagaa maalinta Umulsoyinka  Addunka.
Umulisooyinka waxay door muhiim ah ka ciyaaraan inay haweenka u soo bandhigaan nidaamka caafimaadka ayna hubiyaan in haweenka iyo dhallaankoodu helaan daryeel xirfadeed oo joogto ah inta lagu jiro uurka, dhalmada, iyo maalmaha muhiimka ah iyo toddobaadyada dhalashada lagu jira.

Cabdinuur Sabriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here