RASMI: Diego Costa Oo Gaxaan Culus Dusha Laga Saaray Kadib Dhacadadii Kulankii Barcelona

0
481

Kismaayo(Waamo Radio) Diego Costa ayaa dusha laga saaray 8 kulan oo ganaaxa ah oo horyaalka La Liga ah kadib markii uu weeraryahanka 30 jirka ah Aflagaadeeyay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii Atletico Madrid iyo Barcelona ee horyaalka La Liga.

Weeraryahanka reer Spain ayaa loo taagay kaadhka cas ee tooska ah intii lagu jiray kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou ee ay Atletico Madrid guuldarada 2/0 ah kala kulantay Barcelona.

Costa ayaa ku dhaqaaqay Garsoore Gil Manzano kadib Aflagaadeeyay Hooyadiis taas oo keentay in uu kaadhka cas ee tooska ah u taago xiddiga dhibta badan ee reer Spain.

Arbacadii ayay xiriirka Spian ka hadleen dhacdadaas waxana ay isku raaceen in xiddiga dusha laga saaro 8 kulan oo ganaaxa ah taas oo la macno ah in uu Costa seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhamaadka horyaalka La Liga ayay haatan ka hadhsan tahay 7 taas oo la macno ah in uu seegi doono 7-daas kulan iyo waliba kulanka ugu horeeya ee horyaalka ee xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here