UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadkan Champions League

0
984

Kismaayo(Waamo Radio) Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadkan champions League kadib markii la ciyaaray lugtii 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Todobaadkan ayaa la ciyaaray dhamaan kulamadii 8 dhamaadka tartan champions League iyaga oo kooxaha ka qayb galay guulo gaadheen marka laga reebo hal kulan oo kaliya.

Kooxda Tottenham ayaa si lama filaan ah uga Badisay Man City halka Liverpool si fudud u garaacday kooxda Fc Porto hal lugna lasii gashay wareega Semi-finalka tartanka.

Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa dirqi uga badisay kooxda Man United iyaga oo uu goolka kaliya iska dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara Man United ee Luke Shaw.

Kooxda Ajax ayaa qabatay kooxda Juventus iyaga oo ku qabsay in ay bar-baro kala soo laabtaan Holland kuna qabsay in ay dib u dhigaan u gudbistooda wareega Semi-finalka.

UEFA ayaa soo saartay shaxdii ugu fiicnayd todobaadkan waxana xiddigaha ugu badan ku leh kooxda Liverpool kuwaas oo ku leh 4 xiddig Halka Tottenham ku leedahay 3 xiddig.

Kooxda Barcelona ayaa dhankeeda ku leh 2 xiddig halka kooxaha Ajax iyo Juventus ku leeyihiin min hal xiddig kadib bar-barihii ay ku kala bexeen kulankoodii.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here