Zlatan Ibrahimović Oo Kashifay Laba Xiddig Oo Go,aamin Kara Kulanka Man United & Barcelona

0
624

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay kulanka xiisaha leh ee Habeen Dambe dhex mari doona kooxaha Man United iyo Barcelona .

Man United ayaa Habeen Dambe Arbacada marti galin doonta kooxda Barcelona kulan ka tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Zlatan Ibrahimović oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Barcelona iyo Man United waa laba kooxood oo leh taariikh weyn oo kubada cagta kulanka waxa uu noqon doonaa mid aad u cajabiya dadka oo dhan”.

Zlatan Ibrahimović oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Iska hor imaadka Messi iyo Pogba? Lionel Messi waxa uu mar walba sameeyaa farqi kulan kasta oo uu ciyaaro waana shaqo la mid ah mida uu Paul Pogba u qabto Man United”.

Xiddiga reer Sweden ayaa u soo wada ciyaaray labada kooxood isaga oo Barcelona joogay hal sano halka uu sidoo kale Man United joogay Hal sano iyo badh ka hor inta uuna ku biirin horyaalka Maraykanka.

Zlatan Ibrahimović ayaa Daawan Doono kulanka maadama labada kooxood midkooda badiyaba uu taageeri doono wareega xiga ee Sem-finalka tartanka champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here