Kooxaha Leeds United iyo Liverpool oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Elland Road

0
252

Kooxaha Leeds United iyo Liverpool ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Elland Road, kaddib markii ay ku kala baxeen bar-bardhac 1-1 ah, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Liverpool.

Daqiiqadii 31-aad kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Sadio Mane oo caawin ka helay saaxiibkiis Trent Alexander-Arnold.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

87 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Leeds United ayaa dhalisay goolka bar-bardhaca waxaana 1-1 ka dhigay xiddigooda Diego Llorente, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Jack Harrison.

Ugu dmabeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay bar-bardhac 1-1 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Leeds United iyo Liverpool, kaddib ciyaar aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Elland Road, Reds ayaa booska 6-aad kaga jirtya jadwalka kala sareynta horyaalka, waxayna leedahay 53 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here