Horudhac: Chelsea vs Manchester City… (Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka caawa ee afar dhammaadka FA Cup-ka)

0
264

Chelsea iyo Manchester City inay koox waliba ku guuleysato labo koob ugu yaraan, waxaana ay ku wada ciyaari doonaa caawa garoonka Wembley afar dhammaadka FA Cup-ka, iyadoo koox waliba ay doonayso inay iska xaadiriso Final-ka tartankan.

Labada kooxood ayaa xaqiijistay booskooda semi-finalka Champions League dhammaadkii isbuucaan, iyadoo wiilasha Tababare Thomas Tuchel ay celcelis ahaan 2-1 uga badiyeen Porto, halka Naadiga Tababare Pep Guardiola ay siddeed dhammaadka tartanka UCL guul weyn oo 4-2 ah labadii lugood ka gaartay kooxda Borussia Dortmund.

Chelsea ayaa doonaysa inay ku fiicnaato FA Cup-ka kaddib markii ay guuldarro ka soo gaartay Arsenal final-ka xilli ciyaareedkii hore, halka Man City ay ku reebtay marxaladdaan Gunners xilli ciyaareedkii 2019-20.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Wembley

Garsooraha: Mike Dean (England)

Wararka kooxaha:-

Laacibka khadka dhexe ee Kooxda Chelsea, Mateo Kovacic ayaa garoomada kaga maqnaan doona dhaawac muruqa ah oo ku soo gaaray Tababarka.

Daafaca dhexe ee Blues, Andreas Christensen, kaasoo dhaawac muruqa ah sheeganaya ayaa sidoo kale ah ciyaaryahan kale oo ka maqan Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here