Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Bisha bisha Barakeesan ee Ramadaan ayaa si weyn waxaa looga dareemayaa suuqyada kala duwan ee magaalada kismaayo gaar ahaan suuqa lagu iibiyo Dalagyada kasoo go`o beeraha dalka.
Meelaha suuqa kamid ah ee sida wey looga dareemayo diyaargarowga ramadaanka waxaa ka mid ah meelaha lagu iibiyo Dalagyada kala duwan ee sida weyn loo isticmaali doona bisha barkeesan ee Ramadaan.
Waxaa suuqyadaasi lagu iibiyaa dalagyada sida, Galeyda, Haruurka, Digirta, Qamandi iyo kuwo kaloo intaa kabadan waxaana dalagyadaasi si weyn loo iibsadaa waqtiyaadaan oo kale waxaana laga dhigtaa sida Soorta iyo Qamandi oo saxuurta oo saxuurta si wen loogu isticmaalo ama loo karsado.
Cowke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.