Real Madrid oo hoggaanka u qabatay horyaalka La Liga kaddib markii ay garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku garaacday Barcelona

0
413

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano ku garaacday Barcelona kulankii la wada sugayay ee El Clásico, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulan qeyb ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain, Los Blancos ayaa hoggaanka u qabatay horyaalka.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid.

Daqiiqadii 13-aad Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Karim Benzema oo kubad cajiib ah dhax dhigay shabaqa kooxda Barcelona kaddib markii caawin ka helay saaxiibkiis Lucas Vazquez.

28 daqiiqo Kooxda Kubadda cagta Real Madrid ayaa la timid gool labaad, kaddib markii uu laad xur ah uu dhaliyay Toni Kroos, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 2-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad kooxda Barcelona ayaa dhalisay gool kaddib markii uu 2-1 ka dhigay ciyaarta daafacooda Oscar Mingueza oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Jordi Alba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-1 ay Real Madrid kaga adkaatay kooxda Barcelona oo ku soo booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa farqi goolal ah ku qabatay hoggaanka horyaalka La Liga waxayna min 66 dhibcood wadaagaan naadiga Atletico Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here