Manchester City oo Dib ugu soo Laabatay Xiisahii Lionel Messi

0
357

Man City(Idaacadda Waamo)-Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay weli rajo ka qabto suurtagalnimada in xagaagan ay u dhaqaaqi karaan Lionel Messi .

Qandaraaska Lionel Messi 33 jirkaan ee Barcelona ayaa dhacaya dhamaadka bisha June, taasoo la micno ah in sida ay haatan tahay uu si xor ah uga tagi doono Camp Nou.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay The Sun , kooxda Pep Guardiola ayaa weli xiiseyneysa inay Messi keento Etihad Stadium mana aysan ka rajo dhigin saxiixiisa ilaa dabayaaqada sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here