Chelsea Oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Xiddig Wijnaldum 

0
251

Chelsea (Idaacadda Waamo)-Kooxda chelsea ayaa lau soo waramayaa in ay ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Xiddiga u dhashay dalka Holland ayaa xor uga tagi doona kooxda Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiska uu kula Jiro kooxdiisa kaas oo dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa haatan ah kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum iyada oo uu tababaraha Barcelona ee Ronald Koeamn doonayo xiddiga 30 jirka ah.

Laakiin wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay chelsea ku biirtay haatan tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu tababaraha Blues ee Thomas Tuchel la dhacsanyahay wax qabadka xiddiga waliba doonayo in uu ku arko kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here