Xidiga Man City ee Eric Garcia oo Iska Diiday Kooxaha Chelsea & Arsenal.

0
430

Man City-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Eric Garcia ayaa iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha Arsenal iyo chelsea ka hor intii uuna ogolaan in uu ku biiro Barcelona.

Daafaca reer Spain ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu biiri doono Barcelona xagaaga marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin haatan waxa la ogaaday in ay kooxaha Arsenal iyo chelsea labadooduba dalabyo u soo bandhigeen saxiixa xiddiga Garcia ka hor intii uuna ogolaan in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Wargayska Star Sport ayaa sheegaya in ay Arsenal dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga suuqii January iyada oo uu Mikel Arteta doonayay in uu ku xoojiyo daafaciisa .

Laakiin Arsenal ayaan ku sii raad joogin baacsiga xiddiga kadib markii uu xiddigu u sheegay in uu kaliya doonayo in uu ku biiro kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here