Massimiliano Allegri oo iska diiday fursad uu tababare ugu noqon karay Kooxda Real Madrid & Juventus oo ku abaal dhacday

0
239

Macallinkii hore ee Kooxda Juventus, Massimiliano Allegri ayaa shaaca ka qaaday inuu hoos u dhigay fursad uu tababare ugu noqon karay naadiga Real Madrid ee ka dhisan caasimadda Spain.

Tababarihii hore ee Juventus, Massimiliano Allegri ayaa daaha ka rogay inuu iska diiday dalab uu ka helay Kooxda Real Madrid sanadkii 2018-kii, isla markaana uu doortay inuu hoos u dhigo.

Allegri waa mid ka mid ah maaliyeyaasha waqtiyada ugu quruxda badan ku qaatay Marwada Duqda ah, wuxuu ku guuleystay shan horyaalka Serie A oo isku xiga, afar Italian Cup iyo labo Italian Super Cup, sidoo kale wuxuu gaaray labo final oo tartanka Champions League ah.

Laakiin, inkastoo uu guulo waa weyn gaaray, haddana Juventus ayaa shaqada ka cayrisay Allegri bishii May ee sanadkii 2019-kii, sanad kaddib markii uu iska diiday qabashada shaqada Los Blancos, waxayna ku badashay tababarihiisii hore ee Kooxda Chelsea, Maurizio Sarri.

Haatan Allegri wuxuu qirtay in kooxo kale ay xiiseynayeen isaga, iyadoo kooxda weyn ee ka dhisan caasimadda Spain ay rabeen inuu dhinacooda maro, laakiin ka go’naantiisa guulaha Juventus ayaa aheyd mid aad u xooggan, taasoo keentay inuu iska diido dalabkii uu ka helay Los Blancos.

“Markii ay Real Madrid isoo wacday aniga saddex sano ka hor, waxaan Juventus u ballanqaaday inaan sii joogi doono, taasina waa sababka kaliya ee aan isaga diiday dalabkaas” ayuu Tababare Allegri u sheegay Sky Sport Italia.

Nasiib darrose Allegri, daacadnimadiisii Juventus dib looma siin, maadaama la ceyriyay sanad uun kaddib dalabkii uu iska diiday ee uu ka helay Real Madrid.

Horaantii bishaan ayay ahayd markii mid ka mid ah saaxiibbadiisa ugu dhow Allegri ahana lataliyihiisii ee Giovanni Galeone uu sheegay in tababarihii hore ee Juve uu diiday shaqooyinka kooxaha Arsenal, Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Real Madrid markale tan iyo markii uu ka tagay kooxda haysata horyaalka Serie A, arrimo la xiriira qoyskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here