Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
501

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa doonaya in uu si buuxda ula wareego xiddiga Gonzalo Higuain marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan (Guardian).

kale Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in heshiiska daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt uu haatanba dhamaystirmay (Mirror).

Wikiilka xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Everton ee Richarlison ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uuna khusayn xiddigu in uu ku biiro Liverpool (Sport Witness).

Weeraryahanka kooxda Man United ee Romelu Lukaku ayaa mustaqbalkiisa kala hadli doona Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan (Sky Sport).

Kooxda chelsea ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Paranenese ee Bruno Guimaraes (ESPN).

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund ayaa meesha ka saaray in uu da,yarka Jadon Sancho oo lala xiriirinayo Man United ka tagi doono kooxda xagaaga (Metro).

Kooxda Man City ayaa si lama flaan ah wadahadalo ula qaadatay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante (Goal.com).

Kooxda Man United ayaa isaga hadhi doonta xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga kooxda Real Madrid ee Gareth Bale iyaga oo diirada saari doona xiddigaha Jadon Sancho, Callum Hudson-Odoi & Declan Rice (Star).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco ayaa go,aan ku gaadhay in uu iska sii joogo kooxda Real Madrid (Marca).

Wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee ay Man United kula jirtay xiddiga khadka dhexe ee Ander Herrera ayaa bur-buray kadib markii uu xiddigu dalbaday lacag dhan badan 160 kun oo Gini todobaadkii isaga oo haatan xor uga tagi doona kooxda (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa ku rajo weyn in ay sii haysan doonto Sadio Mane iyaga oo Real Madrid u sheegay in ay wakhtigooda isaga luminayaan baacsiga xiddiga (Express).

Kooxda Chelsea ayaa ku dhaw in ay xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko si toos ah uga iibiso kooxda Ac Milan kuwaas oo adeegiisa ka bixin doona lacag dhan 30 milyan oo euro (Express).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here