Warbixin:-Maalinka Farxada Adduunka

0
353
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Laga soo bilaabo 2013, Qaramada Midoobay waxay u dabaaldegtaa Maalinta Caalamiga ah ee Farxadda Adduunka si ay u aqoonsato muhiimadda farxaddu u leedahay nolosha dadka adduunka.
Sannadkii 2015-kii, UN-ku wuxuu bilaabay 17 Yoolalka Horumarka Waara, ee la doonayo in lagu joojiyo saboolnimada, si loo yareeyo sinnaan la’aanta, loona ilaaliyo dhulkeenna – saddex waji oo muhiim ah oo u horseeda wanaag iyo farxad.
C/rashiid waa wiil dhalinyaro ah waxaa uu ka hadlay Muhiimada ay uleedahay farxada dhalinyarada soomaaliyada ayaa lagu qiyaaso iney bulshada soomaaliyeeda ka yihiin % 70.
Dhanka kale haweenka Soomaaliyeed waxaa ay kaalin fir fircoon ka ciyaaraan hormarka qoyska iyo farxad galintiisa hadaba waa tan mid kamid ah haweenka ku nool magaalada f=kismaayo oo ka hadleyso muhiimada ay leedahay farxada.
Warbixin sanadla ah oo ay qaramada midoobay soo saartay ayaa sheegtay dalka Finland inuu yahay dalka ugu farxadda badan dunida.
Warbixinta laga diyaariyey waddamada dunida ugu farxadda badan kaalinta labaad waxaa uga jira dalka Denmarka, halka dalalka Swizerland, Iceland iyo Netherland ay kaalmaha xiga galeen.
New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday liiska 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here