Kooxda Ac milan Oo Dooneyso Unai Emery Iyadoo La Filayo Iney Shaqada Ka Ceyriso Tababaraha Gattuso 

0
587

Kismaayo(Waamo Radio) Tababare Unai Emery ayaa wakhti fiican ku qaadanaya kooxda Arsenal tan ilaa markii uu yimid Arsenal isaga oo shaqo fiican ka qabtay Gunners kana caawiyay in ay u tartanto Kaalmaha Loogu soo boxo Champions League Xilli ciyaareedkan.

Laakiin Tababare Emery ayaa ku biiray Liiska tababarayaasha ay doonayso kooxda Ac Milan xilli shaki weyn ku jiro mustaqbalka tababare Gennaro Gattuso ee kooxda Ac Milan.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in uu khilaaf weyn soo kala dhex galay tababare Gattuso iyo waliba agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Ac Milan ee Leonardo.

Ac Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka caydhin doonto tababare Cattuso xitaa Hadii Uu Kooxdu Usoo Saaro tartanka Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Ac Milan ayaa lala xiriirinayaa tababarayaasha kala ah  Maurizio Sarri, Arsene Wenger Iyo Tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino.

Laakiin Wargayska La Gazzetta ayaa haatan sheegaya in uu Emery Bartilmaameed xoogan u noqday kooxda Ac Milan iyada oo uu gudoomiyihii hore ee Arsenal ee Ivan Gazidis doonayo tababaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here