Edin Dzeko Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Horyaal Kale 

0
469

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga Reer Bosnia ee Edin Dzeko ayaa ku soo wajahan Horyaalka England Premier League kadib markii uu heshiis la gaadhay koox ka ciyaarta horyaalkaas sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Itlay.

Weeraryahankii hore ee Man City ee Edin Dzeko ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda West Ham sida ay sheegayaan wararku laakiin Roma ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso 20 milyan oo euro.

33 jirkan weerarka ka ciyaara ayuu heshiiskiisa Roma dhici doonaa xagaaga 2020 kooxda Roma ayaanan sidoo kale wax qorshe ah u hayn in ay heshiis cusub u saxiixdo.

Sida laga soo xigtay Il Tempo, Weeraryanaka reer Bosnia ayaa haatanba heshiis la gaadhay kooxda West Ham sidoo kale diyaar u ah in ay ka saxiixato 2 sano oo heshiis ah.

Si kasta ha ahaatee Roma ayaa Dalbanaysa lacag dhan 20 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga khabiirka ah sidaas darteed Roma ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee West Ham.

Dzeko ayaa Premier League kula guulaystay kooxda Man City sanadkii 2015 ka hor inta uuna 15 milyan oo euro ugu biirin kooxda ka dhisan caasimada talyaaniga ee Roma.

Xiddiga ayaa xilli ciyaareedkan ku dhibaatooday Serie A-da isaga oo kaliya dhaliyay 12 gool 32 kulan oo tartamada oo dhan ah sida Serie A-da, Champions League & Coppa Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here